You are here

Siyaasaddaan Dhallinyarada Qaranku waxay ku salaysan tahay mabda’a iskaashiga iyo wada shaqaynta - “waa waajib in dhammaan daneeyayaasha horumarinta dhallinyarada -wasaaradaha dawladda, ururada bulshada rayidkaah, ganacsiga gaarka ah iyo dadka dhallinyarada ah - in ay iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan si loo hubiyo natiijada ugu fiican ee horumarinta dhallinyarada Soomaaliya Wiil iyo Gabarba". Siyaasaddan Horumarinta Dhallinyarada Qaranka waxay soo jeedinaysaa:

1. Marka ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AY ansixiso Siyaasadda Dhalinyarada Qaranka,waxaa la dejin doono qorshe hawleedka Dhalinyarada Qaranka (National Youth Action Plan) kaas oo si faahfaahsan u sharixi doona “Maxaa la qabanayaa? Yaa masuuliyad ka saaran tahay? Sidee loo qabanayaa? Iyo Goorma ayaa la qabaayaa?”.

2. In la sameeyo Golaha Dhalinyarada Qaranka (National Youth Council) oo ka qayb qaadan doona fulinta Siyaasadan, noqona doona buundada (birriishka) isku xira dhalinyarada iyo daneeyayaasha Horumarka dhalinyarada.

3. In la magacaabo u qeybsanayaal arrimaha dhalinyarada oo wasaarad kastaa yeelato (Youth Focal Points) Kuwaas oo awoodda saaridoona isku-dubaridka waxqabadka wasaarad kasta adeega ay u fidinayso dhalinyarada. Siyaasadani waxay ku mudaysan tahay mudo shan sano ah, taas oo lagu dedaali doono in la gaaro ujeedooyinka iyo ka miro-dhalinta talaabooyinka la ma huraanka ah in lagu talaabsado. Mudada siyaasadani marka ay dhamaato, dib ayaa wax ka badal loogu samayn doonaa iyadoo wada-tashiyo xog lagu ururinayo la sameyn doonaa si loo helo siyaasad cusub oo la jaanqaada baahiyaha waqtigaa taagan.