You are here

Mogadishu, 28 November 2019 – We, at UNFPA Somalia condemn the horrendous act where an 11-year-old was raped on Tuesday this week as she was seemingly returning home from the marketplace in Wardhiigleey District, Mogadishu, Somalia.

It is with great dismay and shock that we continue to see such acts happening frequently. We stand with the family of the girl and call for justice not only to this incident, but to the many cases of sexual violence that continue to threaten the well-being and safety of girls and women in Somalia.

Violence against women and girls is a grave violation of human rights. It is disheartening to see such acts happening during the 16 Days of Activism against Gender-Based Violence.

We all need to work together to ensure the availability of adequate protection measures for girls and women in Somalia and we call for the speedy passage into law the Sexual Offences Bill which has been pending adoption in the country’s Parliament.

----------------------------------------

Bayaanka  kasoo baxay wakiilka Soomaaliya ee Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA), Mudane. Anders Thomsen oo ka dhan ah kufsi loo gaystay Gabar 11 jir ah oo ku nool  Soomaaliya.
 

Muqdisho, 28 Noofambar 2019 – Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA), xafiiskiisa Soomaaliya wuxuu cambaraynayaa ficilkii foosha xumaa ee loo gaystay gabadh 11 sano jir ah, oo lagu kufsaday Talaadadii toddobaadkan iyadoo markaas gurigeeda ku soo laabaneyso oo ku yaal Degmada Wardhiigleey ee Magaaladda Muqdisho, Soomaaliya.

Waa naxdin iyo argagax weyn in ay sii socoto inaan aragno falalka noocan oo kale ah oo si isdaba joog ah u dhacaya. Waxaan garab taaganahay qoyska gabadha, waxaana ku baaqaynaa in caddaalad la horkeeno dhacdadan kaliya maahee, laakiin kiisas badan oo tacadiyaadka galmada la halmaala kuwaas  oo sii socodkoodu  khatar galinayo wanaagga, iyo badbaadada gabdhaha iyo haweenka Soomaaliya.

Xadgudubyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha waa ku xadgudubka xuquuqul insaanka. Waa wax laga xumaado in la arko falalka noocaas ah dhacaya inta lagu guda jiro 16-ka Maalmood ee ololaha looga soo horjeedda tacadiyada ku salaysan jinsiga.

Waxaan dhamaanteen u baahanahay inaan ka wada shaqeyno sidii aan u hubin laheyn jiritaanka tallaabooyin ilaalinkara oo ku habboon gabdhaha iyo Haweenka Soomaaliyeed, waxaanan ku baaqeynaa in si dhakhso loo dardargaliyo ansixinta xeerka  Dambiyada Galmada la xariira oo iminka horyaala  baarlamaanka dalka Soomaaliya.

UNFPA inquiries: please contact Ms. Pilirani Semu-Banda, Communications & Partnerships Specialist, UNFPA Somalia; semu-banda@unfpa.org